Sidee ayaad ku baran kartaa
luqada English.
Maanta
waxaan rabaa in aan ku sheego 9xeeladood oo aad ku baran karto luqada englishka.
9
xeeladood ma’ahan wax aan aniga soo alifay ee waa baaritaano la soo sameeyay.
Marka waxaan
rabaa in aan kugu soo gud biyo inta aanan siigalin 9 xeeladood in aan ku siiyo
3 talo.
1.waa
maxay sababta aad u baranaysid luuqadan?
= hadii
aad heshid su’aashan jawaabteda waxaad awood uleedahay in aad barato luuqadan.
2.waa in
aad la imaatid sabar.
=micnaha
haddii aan sabar la imaatid wixii waad sii wadi kartaa.
3.in aad
joojisid dag-daga.
=sababtoo
ah haddii aad dag-dagtid waxaad arkaysa adigiyo oo wixii kacaajisay.
Hadana waxaan kuu sheegaya
9 xeeladood
1.haxifdinin erayada.
=waa maxay sababta aan kuu dhahaayo haxifdinin
erayada sababtoo ah adiga maxifdin kartid qof dhan hadalkiisa. sidoo kale waxaa
jirta jumlad dhahayso luuqada mala xifdiyee waa lafahma.haddi aan ku dhahay
haxifdinin erayada maxaawaye waxa aan ku talinayo?Waxaan kula talinaya in aad
xifdiso jumladaha .sababtoo ah diraasad lasameeyay ayaa waxa ay leedahay dadka
jumladaha barta waxa ay ka dag-dag badan yihiin dadka erayada barta.
2.haku mashquulin grammarka
Waxaad arkaysa dad badan marka ay bilaaban
luuqadan barashadeeda in ay ku mashquulan grammarka iyaga oo ugu dambeen
caajisay.laakin wax yar waad kabaran kartaa waxaan kugu waanin lahaa in aad wax
yar ka barato.
3.waa in aad sameysaa dhagaysi badan
Waa in aad dhagaysatid dadku u dhashay luuqan
sida:idaacadaha,prodcastyada iyo in aad daawatid muqadalda kubaxaya luuqada
englishka.waxaan kugu soocelinaya in aad sameysida dhagaysi badan.tusaale
cunuga yarka marka uu dhasho mabarto erayo sidoo kale mabarto grammar cunugas
yarka waxa uu raacraca afka waalidkisa.waxaad arkaysa cunigii oo gaja’gaja’ah
ugu dambeen waxaa ar kaysaa isagii oo luqada sifiican ugu hadlaayo .sidee ayuu
ku bartay cunugaas luuqada waxa uu sameeyay dheegi badan.sidaas ayaan kuu
dhahaya dhageesi badan samee.
4.tartiib usoco
Oo maxaayeelay horay ayan kugu soo sheegay in
aad iska ilaaliso dag daga badan.
5.in aad samaysid practice.
Practice ka waxa uu noqon karaa in aad 2 qayb
usamaysid. Mida 1aad in aad naftada pracrice lasaaysid wixii in aad bilaabdid
oo bug aad soo qabsatid adiga oo cod dheer ah ku aqrinaayo ama in aad soo
qaadatid mobile kaga kadib aad is duubtid kadibna aad is dhagaysatid meelaha
aad qaladaadka kaaga jiro si aad hadhowdii aad usaxdid .mida 2aad waxaa waaye
in aad practice kula samayso qof luuqadii yaqaano.
6.in aad baratid englishka runta ah.
Macnaha maxaan kawada englishka runta ah in
aadan dhagaysanin dadka aan luuqada u dhalanin oo aad dhagaysato dadka luuqada
udhashay oo kaliya.
7.kaydi weeraha aad baratay
Waxaad baratay jumlado ama weero jumladahas ama
werahas waxaa lagaaga baahanyahay in aad kaydiso si aad ukaydiso waa in aad
lahata note book.
8.in aad adeegsati fikradaada.
Tusaale waxad soo qabsatay buuk waxaad
aqrisay sheeko is ku day in aad badbadali kartid sheekadas oo aad ka soo saari
kartid su’aal.
9.adeeg so qaamuus
Maxaan kawada.waxaan kawada in aad adeegsatid
qaamuus English to English oo ha is ticmaalin
qaamuus English to somali.
9ka xeeladood halkan ayey ku egyihiin waxaan
rajaynaya in aad kafaaidaysan doontiin insha allah.waxaan kaloo Rajaynaya haddi
aad si fiican ugu dabaq daan in aad baranaysan luqada englishka insha allah.
Comments
Post a Comment